Halyeeyga kooxda Arsenal, Paul Merson, ayaa sheegay in tartanka horyaalka Premier League uu “dhamaan karo toddobaadkan”
Merson wuxuu saadaaliyay in kooxdiisii hore ay ku guuleysan doonto horyaalka xilli ciyaareedkan.
Kooxda Mikel Arteta ayaa ku guuleysatay toddobo ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu horreeyay waxayna hadda afar dhibcood ku hogaamineysaa horyaalka.
Halyeeyga kooxda Arsenal, Paul Merson, ayaa sheegay in tartanka horyaalka Premier League uu “si rasmi ah u dhamaan karo toddobaadkan”
Merson wuxuu saadaaliyay in kooxdiisii hore ay noqon doonto horyaalka xilli ciyaareedkan.
Kooxda uu hogaamiyo Mikel Arteta ayaa guuleysatay toddobo ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu horreeyay, iyadoo hadda afar dhibcood ku hogaamineysa horyaalka.
Arsenal ayaa sidoo kale si adag uga difaacatay goolkeeda, iyagoo kaliya laga dhaliyay saddex gool 14 ciyaarood oo ay ciyaareen.
Usbuucan, Arsenal waxay ay la ciyaaraysaa Sunderland iyagoo rajeynaya inay sii wataan natiijooyinkooda cajiibka ah.
Merson ayaa u sheegay Sportskeeda:
“Waxaan 19-kii Sebtembar iri haddii Arsenal ay hesho afar dhibcood kulamadooda Manchester City iyo Newcastle United, way qaadi doonaan horyaalka.”
“Arsenal way sameeyeen taas, welina waxaan aaminsanahay hadalkaygii. Runtii, tartanka horyaalka waa la soo afjari karaa laba toddobaad gudahood!”
“Waxay wajahayaan Sunderland todobaadkab, Liverpool iyo Man City-na way isla ciyaarayaan
“Waxaan filayaa in Arsenal ay Arsenal badin doonto kulanka, mana aaminsani in Liverpool ay guulaysan doonto usbuucan. Haddii City iyo Liverpool ay dhibco iska qaadaan usbuuca 11-aad, markaas waxaan hubaa in Arsenal ay horyaalka qaadi doonto.”
Be the first to comment