
Christian Norgaard ayaa joogay kooxda Arsenal muddo saddex bilood ah oo keliya, balse durba wuxuu go’aansaday kooxda uu doonayo inuu ku biiro marka uu ka tago Emirates.
Arsenal ayaa Norgaard kala soo wareegtay Brentford bishii July heshiis qiimihiisu gaarayo ilaa £15 milyan, wuxuuna ilaa hadda u ciyaaray labo kulan tan iyo markii uu yimid waqooyiga London.
Norgaard ayaa ciyaaray 90-ka daqiiqo oo buuxda kulankii Carabao Cup ay Arsenal 2-0 kaga badisay Port Vale – balse waxqabadkiisa lagama qanacsaneyn.
Marka laga reebo taas, Norgaard wuxuu bedel kusoo galay daqiiqadihii ugu dambeeyay kulankii Arsenal 2-0 kaga adkaatay Athletic Bilbao tartanka Champions League bishii Sebtembar.
Norgaard weli kama uusan ciyaarin kooxda Mikel Arteta ee Premier League-ka, wuxuuna ahaa bedel aan la isticmaalin (unused substitute) saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka.
Laacibka khadka dhexe ee daafaca, oo 31 jir ah, Christian Norgaard, ayaa haatan shaaciyey inuu qorsheynayo inuu ku biiro kooxdiisii hore ee Brondby ee dalka Denmark, marka uu dhammaado heshiiskiisa uu kula jiro Arsenal.
Norgaard ayaa u sheegay warbaahinta Danish-ka ah ee Bold:
“Waxaan damaanad qaadi karaa in Arsenal ay noqon doonto kooxdeydii ugu dambeysay ee aan ka ciyaaro dibadda.”
“Weli waxaan doonayaa inaan ku laabto Brøndby marka uu dhammaado heshiiska aan kula jiro Arsenal. Heshiiskaygu waa laba sano, iyadoo la haysto ikhtiyaar hal sano oo dheeri ah,” ayuu yiri Norgaard.
Be the first to comment