Kulamada Uu Rodri Ka Maqnaan Doono Man City Oo La Ogaaday Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay Kulankii Brentford.

Pep Guardiola ayaa bixiyay warbixin ku saabsan dhaawaca Rodri kadib markii uu garoonka ka baxay isagoo dhaawac ah kulankii Manchester City 1-0 kaga adkaatay Brentford Axaddii.

Erling Haaland ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta oo ka dhacay garoonka G-tech Community Stadium, taasoo ka caawisay City inay u kacdo kaalinta shanaad ee horyaalka Premier League.

Laakiin saddexda dhibcood waxay ku yimaadeen khasaare, maadaama khadka dhexe ee muhiimka ah Rodri uu garoonka ka baxay isagoo la ildaran dhaawac 22 daqiiqo markii la ciyaaray, waxaana beddelay Nico Gonzalez.

Rodri, oo ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or 2024, weli si buuxda uguma soo kaban dhaawac daran oo ACL ah oo uu soo gaaray xilli ciyaareedkii hore, taasoo garoonka ka fogeysay muddo siddeed bilood ah.

Kadib dhaawacii soo gaadhay taageerayaasha ayaa ka walaacaya xaalada xiddiga xilli ay Man City horyaalka kula tartamayso kooxaha Arsenal Iyo Liverpool.

Si kastaba ha ahaatee, Guardiola ayaa soo jeediyay in dhaawacu uusan ahayn mid halis ah, isagoo u sheegay BBC Match of the Day:

“Waa muruq, markaa laba toddobaad ama saddex toddobaad ayuu maqnaan doonaa.”ayuu Yidhi Guradiola.

“Waa hubaal inaanan rabin inaan waayo, xitaa waqti yar, laakiin waa nasiib darro sababtoo ah waa ciyaaryahan aad u muhiim ah. Waxaan isku daynay inaan daryeelno, laakiin waa sida ay tahay.”

Ciyaaryahanka 29-jirka ah wuxuu seegi doonaa kulanka Everton, safarka Champions League ee Villarreal, iyo suurtogal ahaan kulanka banaanka ee Aston Villa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga