
Halyeeyga Manchester United, Gary Neville, ayaa ku tilmaamay Moises Caicedo oo ka tirsan Chelsea ‘qadka dhexe ugu fiican Premier League-ga’.
Tani waxay timid kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulankii ay Chelsea ka badisay Liverpool.
Caicedo ayaa dhaliyay gool cajiib ah kadib markii uu meel fog ka toogtay goolka kooxda Liverpool.
Neville wuxuu carabka ku adkeeyay in Caicedo uu ahaa ciyaaryahankii ugu fiicnaa garoonka Stamford Bridge.
“Moises Caicedo wuxuu ahaa ciyaaryahanka ugu wanaagsan garoonka – si aad u dheer,” ayuu Neville ku yiri barnaamijkiisa Sky Sports podcast.
“Illoow goolka, oo runtii ahaa mid cajiib ah, shaqada uu ka qabtay garoonka oo dhan waxay ka dhigan tahay inuu yahay laba ciyaaryahan hal qof ah.
“Wuxuu yahay wax walba oo aad ka rabto khadka dhexe – ciyaaryahan aad u heer sareeya. Wuxuu ahaa ciyaaryahanka ugu fiican garoonka si aan shaki ku jirin, haddii Liverpool ay isaga haysan lahaayeen, way guuleysan lahaayeen”
“Waa ciyaaryahanka khadka dhexe ee ugu fiican Premier League waqtigan xaadirka ah.
“Hadda, waxaan dhihi karnaa isaga ayaa ah khadka dhexe ee ugu wanaagsan Premier League.”
Be the first to comment