Carragher Oo Sharaxay Sababta Ayna Liverpool Ugu Guulaysan Karin Premier League Isaga Oo Tusaale Ka Dhigay Liverpool

Xiddigii hore ee Liverpool, Jamie Carragher, ayaa si adag u dhaleeceeyay Mikel Arteta sababo la xiriira qaab ciyaareedkiisa taxaddarka badan.

Wuxuu sheegay in tani ay ka hor istaagi karto kooxda Arsenal inay ku guuleysato horyaalka Premier League, isagoo intaa ku daray in tababaraha reer Spain uu marar badan ku celcelinayo qalad isku mid ah.

Arsenal ayaa si dhib yar uga badbaaday guuldarradii labaad ee xilli ciyaareedkan, kadib markii ay barbaro 1-1 ah la galeen Manchester City kulankii ka dhacay garoonka Emirates Axaddii.

Carragher wuxuu sheegay in Arteta uu isagu is ceebayn doono haddii uu si joogto ah u sii doorto saddexda khad dhexe ee taxaddarka badan ee kala ah Declan Rice, Martin Zubimendi iyo Mikel Merino.

Arsenal waxay ciyaarta fureen markii Ebere Eze iyo Bukayo Saka ay beddeleen Noni Madueke iyo Merino.

Carragher wuxuu sheegay in tababaraha Arsenal uu aad u taxaddarayo taasina ay mar kale kaga qaadi karto kooxda horyaalka.

Wuxuu yiri:

“Mikel Arteta wuxuu haystaa koox iyo kayd aad ugu dhow inay noqdaan kuwo gaar ah — xagga ku guuleysiga Premier League, xitaa Champions League. Waxaan aaminsanahay in kooxdaas ay heerkaas gaarayso.

“Laakiin mar walba marka ay timaado kulamada waaweyn, wuxuu doortaa koox u muuqata mid uu ka fekerayo sida uu uga hortegi lahaa kooxda kale.

“Taas macnaheedu maaha in aanad ku guuleysan karin Premier League. Jose Mourinho wuxuu ku guuleystay horyaalka saddex jeer isagoo qaab taxaddar leh u ciyaaray.

“Laakiin aniga ahaan, 45-kii daqiiqo ee hore waxay ahaayeen waqti khasaaray. Sababta aan sidaas u leeyahayna waa maxaa yeelay waxaan u ciyaaray tababarayaal sidaas samayn jiray xilligii aan Liverpool joogay.

“Waxaan ku dhownayn horyaalka, koox heer sare ah ayaanu ahayn, laakiin waligeen maanaan hanan Premier League. Mararka qaar waxaan dareemi jiray in Houllier iyo Rafa Benitez ay ‘bareegga’ naga qabteen kulamada qaar.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga