Mikel Arteta Oo Sharaxay Sababta Uu U Badalay Noni Madueke

Tababaraha kooxda Arsenal, Mikel Arteta, ayaa xaqiijiyay in garabka weerarka, Noni Madueke, lagu beddelay waqtiga nasashada sababo la xiriira dhaawac soo gaadhay qaybtii hore ee ciyaarta.

Kooxda Gunners ayaa markale dhibco lumisay horyaalka Premier League Axadii, kadib markii ay barbaro 1-1 ah la galeen kooxda Pep Guardiola ee City garoonka Emirates.

In kasta oo ay hal dhibic ka heshay kulanka, Hadana Arsenal ayaa dhibco lumisay kulanka premier League.

Arteta ayaa wajahaya dhaleecayn kadib markii uu garoonka ka saaray Madueke waqtiga nasashada, iyadoo uu ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican ee kooxda.

Laakiin isagoo la hadlayay saxaafadda ciyaarta kadib, tababaraha Gunners wuxuu sheegay in sababta isbeddelka aysan ahayn mid farsamo, isagoo yiri:

“Maya [ma ahayn go’aan farsamo], waxa uu dareemay dhibaato dhaawac mana uusan awoodin inuu sii wato ciyaarta qeybta labaad.”

Arsenal waxay la ciyaari doontaa Port Vale Arbacada tartanka EFL Cup, balse maqnaanshaha Madueke ayaa saameyn weyn yeelan kara marka ay Axadda wajahaan kooxda Newcastle United.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga