
Marka Arsenal iyo Manchester City ay kulmaan, ma aha oo keliya arrin xeelad ciyaareed: waa tartan fool ka fool ah, isbarbardhig ciyaartooy, iyo cidda ku guuleysata farqiga yar ee garoonka.
kulankan waxaa lagu go’aamin karaa saddex dagaal oo gaar ah: Gabriel vs Haaland, Rice vs Rodri, iyo Madueke vs Aké.
Gabriel vs Erling Haaland:
Erling Haaland ma uusan bilaabin xilli ciyaareedkan si xowli ah sida uu ku bilowday xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Ingiriiska, balse joogitaankiisu weli waa hubka ugu qatarsan ee City. Weeraryahanka reer Norway wuxuu ku fiican yahay kubbadaha tooska ah iyo kuwa soo laabta (second balls), taasoo ka dhigeysa doorka Gabriel mid aad muhiim u ah.
Brazilian-ka wuxuu ahaa difaacii adag ee Arsenal saddex xilli ciyaareed oo xiriir ah — waa mid dagaal badan marka la kulmo ciyaartooyda, ku xoog badan kubbadaha cirka, wuxuuna noqday mid deggan marka uu la tacaalayo weeraryahannada heerka sare ah. Haddii Gabriel uu ka fogeyn karo Haaland xerada ganaaxa, isla markaana uusan siin meel uu ku ordo gadaal, Arsenal waxay meesha ka saari karaan khatarta ugu weyn ee City.
Dhanka kale, hal khalad ayaa Haaland ku filan. Arsenal waa inay Gabriel ka siiyaan taageero difaac oo ka timaadda Rice iyo Saliba, balse tartanka fool ka foolka ah ee labadan ciyaaryahan waa mid ka mid ah dagaallada go’aamin doona 90-ka daqiiqo ee ciyaarta.
Declan Rice vs Rodri:
aba ka mid ah ciyaartooyda khadka dhexe ee ugu fiican dunida ayaa markale is wajihi doona. Declan Rice wuxuu si fiican ugu qabsaday doorkiisa cusub ee hoggaamiyaha khadka dhexe ee Arsenal — wuxuu daboolaa aagag badan, jebiyaa ciyaarta kooxda ka soo horjeeda, wuxuuna si toos ah u bilaabaa weerarada. Dhankiisa, Rodri weli waa qalbiga garaaca ee City — isagaa xukuma xawaaraha ciyaarta, dib u wareejiya kubbadda, wuxuuna keenaa dheelitirka difaaca.
Tartankani ma aha oo keliya la xiriira laadad ama kubbadaha la jaro. Ciddii xukunta xawaaraha ciyaarta ayaa go’aaminaysa kooxdee ciyaarteeda garoonka ka hirgalin doonta. Haddii Rice uu si jireed u cabburiyo Rodri oo uu City ku riixo gadaal, cadaadiska Arsenal wuxuu City ka dhigi karaa kuwo neefta la dhacaya. Laakiin haddii Rodri helo waqti iyo xasillooni uu ku maamulo kubbadda, City waxay aamusiin karaan garoonka Emirates waxayna Arsenal ku khasbi karaan inay ordaan iyaga oo aan kubbad haysan.
Waa dagaalka u dhexeeya joogitaan iyo xakameyn — wuxuuna noqon karaa midka go’aamiya natiijada ciyaarta.
Noni Madueke vs Nathan Ake:
Iyadoo Bukayo Saka uu dhaawac uga maqan yahay, mas’uuliyadda weerarka dhinaca bidix ee City waxay si buuxda u saaran tahay Noni Madueke. Garabka weerarka ayaa si weyn uga muuqday kulankii Nottingham Forest, waxaana xirfaddiisa tooska ah ee kubbad-qaadista muhiim u noqon doontaa kala firdhinta difaaca Pep Guardiola.
Nathan Aké waa daafac deggan, jidh ahaan xoog leh isla markaana leh xasillooni, balse wuxuu noqdaa mid nugul marka kaligiis lagula eego meelaha ballaaran ee garoonka. Madueke oo leh xawaare sare iyo ciyaar lama filaan ah wuxuu isku dayi doonaa inuu taas ka faa’iidaysto. Haddii Arsenal si joogto ah u helaan fursado uu Madueke kaligiis ula jeedo Aké, waxay furi kartaa garoonka si Gyökeres iyo Eze ay uga faa’iideystaan meelaha dhexe.
Dhinaca Aké, feejignaanta iyo meel dhigashada saxda ah ayaa muhiim u noqon doonta. Haddii uu ka hor istaagi karo Madueke inuu gudaha u jaro, halista garabka midig ee Arsenal aad bay u yaraan doontaa.
Be the first to comment