
Tareenka Liverpool ayaa ka gudbay Everton kulanka Merseyside Derby iyaga oo ku badiyay 2/1 kulan ka dhacay garoonka Anfield ee magaalada Liverpool, iyadoo ciyaartani ka tirsanayd wareegga shanaad ee horyaalka Premier League.
Mohamed Salah ayaa ka qeyb qaatay samaynta goolka koowaad ee kooxda Reds, isagoo baas heer sare ah siiyey ciyaaryahanka Ryan Gravenberch, kaasoo si qurux badan u dhaliyey goolka isagoo kubbadda si taabasho ah ugu diray shabaqa goolhaye Jordan Pickford, taasoo kooxdiisu ku hormartay goolka koowaad daqiiqaddii 10aad.
Liverpool ayaa sii waday weerarkeeda taasoo dhalisay gool labaad. Goolkan waxaa dhaliyey Hugo Ekitike, iyadoo caawinta uu bixiyay Ryan Gravenberch mar kale, goolkaasna waxaa la dhaliyey daqiiqaddii 29-aad, iyadoo sidaas lagu galay nasashada qeybta hore ee ciyaarta.
Markii lagu soo noqday qeybta labaad, kooxda martida ahayd ayaa yareysay farqiga goolasha kadib markii Idrissa Gueye uu dhaliyey gool cajiib ah oo ahaa laad xoogan daqiiqaddii 58-aad, taasoo keentay in Derby-ga uu sii kululaado daqiiqadihii dambe.
Labada kooxoodba waxay isku dayayeen in ay helaan gool kale — Everton si ay u barbarreeyaan, Liverpool si ay u ballaariyaan hoggaanka — balse midkoodna uma suurtagelin inuu gaaro ujeedkiisa.
Kadib natiijada Liverpool ayaa sii dheeraystay horyaalka iyaga oo leh 15 dhibcood kadib 5 guul oo xidhiidh ah.
Dhanka kale, kooxda Everton ayaa dhibcohoodu ku istaageen 7 dhibcood, taasoo gelisay kaalinta 7-aad ee jadwalka horyaalka Premier League.
Be the first to comment