HORDHAC: Liverpool Vs Everton: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Merseyside Derby.

Kooxda Liverpool ayaa marti galinaysa kooxda Everton kulan ka dhacaya Anfield kulan ka tirsan premier League.

Liverpool ayaa isha ku haysa in ay gaadho guusheedii 5-aad oo xidhiidh ah siina dheeraysato hogaanka premier League.

Kulanka: Liverpool Vs Everton

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 2:30

Garoonka: Anfield

XAQIIQOOYINKA:

Liverpool waxay kaliya hal jeer laga badiyay 28-dii ciyaar ee ugu dambeysay ay garoonkooda kula ciyaareen Everton dhammaan tartamada (17 ayey badiyeen, 10 waa barbaro), waxayna ku guuleysteen afartii ciyaarood ee ugu dambeysay oo xiriir ah tan iyo markii 0-2 laga badiyay bishii February 2021, Kaliya intii u dhexeysay February 1933 ilaa January 1937 ayey Reds ku guuleysan jireen shan guul oo xiriir ah garoonkooda markay la ciyaarayaan Toffees.

Everton waxay kaliya laba jeer guuleysteen 29-kii kulan ee ugu dambeysay ee Merseyside derby ee Premier League ah ay la ciyaareen Liverpool (14 barbaro, 13 laga badiyay), waxaana ku adkaatay inay gool dhaliyaan shan ka mid ah toddobadii kulan ee ugu dambeysay.

Kulanka Everton vs Liverpool ayaa ah midka ugu kaararka cas ee la bixiyay taariikhda Premier League (25 kaar cas), iyadoo 11 ka mid ah ay heleen kooxdii Everton ee uu tababaraha u ahaa David Moyes intii uu labo jeer hogaaminayay kooxdaas muddo 24 kulan ah. Tani waxay ka dhigan tahay tirada ugu badan ee koox ka hesho kaarar cas tababare kaliya hoostiis, Hase yeeshee, 15 kulan oo uu Moyes wajahay Liverpool isagoo aan ahayn tababaraha Everton (sida West Ham ama Man United), kooxihiisu waxay heleen hal kaar cas oo kaliya – Nemanja Vidic oo laga saaray kulankii Man United ee bishii Maarso 2014.

Liverpool ayaa sidoo kale xilli ciyaareedkan ku bilowday afar guul oo xiriir ah afar kulan oo hore ee Premier League, waxaana ay fursad u leeyihiin inay guuleystaan shanta kulan ee ugu horreeya markii saddexaad taariikhdooda Premier League – kadib 2018-19 iyo 2019-20. Sidoo kale, haddii ay mar kale shabaqooda ilaashadaan, waxay noqon doontaa markii ugu horreysay ay saddex kulan oo xiriir ah clean sheet sameeyaan tan iyo Sebteembar 2024.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga