
Thierry Henry ayaa u sheegay kooxda Arsenal iyo Mikel Arteta inaysan ku farxin bar-baro ay la galaan Man City Axada premier League.
Arsenal waxay ku guuleysteen saddex ka mid ah afartii kulan ee ay ciyaareen horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan ilaa hadda, iyadoo kaliya hal guuldarro ay ka soo gaartay Liverpool oo ay ku ciyaareen garoonka Anfield August 31.
Kooxda Mikel Arteta ee Arsenal ayaa si guul ah ku bilaabatay ololahooda Champions League kadib markii ay 2-0 uga badiyeen Athletic Bilbao ciyaar ka dhacday garoonka kooxda reer Spain.
Arsenal ayaa hadda dib u jeedin doonta diiradda horyaalka Premier League toddobaadkan, iyagoo Axadda galab la ciyaaraya Manchester City garoonkooda Emirates Stadium.
Henry wuxuu aaminsan yahay in Arsenal ay haatan haystaan kooxdii ugu xooga badan yurub laakiin waxa uu sidoo kale sheegay in ayna kooxdu ciyaaraha u galin in ay bar-baro galaan.
“Waqtigan xaadirka ah waxaan dhihi karaa cidna ma heysato koox qoto dheer leh sida Arsenal, marka la eego tayada ay haystaan,” ayuu yiri Henry intii lagu jiray falanqaynta tartanka Champions League ee CBS Sports.
“Kooxaha Qaar ayaa Arsenal la tartami kara marka laga hadlo 11 xiddig ee bilowga laakiin hadii aad eegto kooxda ay haystaan waa kooxda ugu awooda badan”ayuu yidhi Henry.
“Markaad aragto cida kursiga keydka fadhiday kulankii Bilbao sidoo kale ay ka maqan yihiin [Martin] Ødegaard, Kai Havertz, Bukayo Saka, Gabriel Jesus… markaa markaad taas eegto, kooxda si fiican ayay ugu qalabaysan tahay inay ka qeyb qaadato dhammaan tartamada.”
“Laakiin hadda aan runta iska sheegno, waa qasab sanadkan in la helo koob. Waa qasab, lama qarsoomi karo,” ayuu yiri Henry.
Be the first to comment