Andy Robertson Oo Sharaxay Sababtii Uu Uga Tagi Waayay Liverpool Kadib Xiisihii Uu Ka Helay Atletico Madrid.

Difaaca bidix ee reer Scotland, Andrew Robertson, oo ka tirsan kooxda Liverpool ee horyaalka Premier League, ayaa shaaciyey sababta uu ugu sii negaaday kooxda Liverpool inkasta oo uu xiiso ka helay Atletico Madrid.

Ciyaaryahanka 31-jirka ah ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqo kooxda caasimadda Spain xagaagan, kadib markii Liverpool ay la saxiixatay Milos Kerkez oo ka yimid Bournemouth, balse ugu dambeyn wuxuu doortay inuu kusii nagaado Merseyside.

Markii la weydiiyay Robertson haddii ay suurtagal ahayd inuu heshiis la gaaro Atletico Madrid xagaagan, wuxuu ku jawaabay: “Waxaa laga yaabaa mar uun.”

Wuxuu Robertson hadalkiisa sii raaciyey, sida uu weriyey mareegta caalamiga ah ee “Goal”:

“Waxaan rabaa inaan ciyaaro kulamada oo aan noqdo daafaca bidix ee koowaad, waxaana iga saaran waajib ah inaan sii wado dadaalka si aan u bixiyo wax walba oo aan awoodo.”

Wuxuu intaas ku daray:

“Xilliga nasashada caalamiga ah aad buu iigu fiicnaa, waxaan awooday inaan ciyaaro labo kulan oo buuxa, waxaan soo ceshaday feejignaantayda jidheed, waxaan gaarnay laba natiijo oo wanaagsan aniga iyo xulka Scotland, taasina waxay i siisay kalsooni weyn.”

Wuxuu sidoo kale xusay:

“Milos Kerkez wuxuu noqon doonaa daafaca bidix ee mustaqbalka ee Liverpool, aniga mas’uuliyaddaydu waa inaan taageero xilli ciyaareedkan oo aan ka caawiyo horumarkiisa.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga