Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea, Moises Caicedo, ayaa uga digay Bayern Munich in kooxda Blues ay si buuxda ugu diyaar tahay kulanka ay wada ciyaari doonaan tartanka Champions League.
Bayern Munich ayaa Chelsea ku martigelin doonta garoonka Allianz Arena maalinta Arbaco ee soo socota, iyagoo ku kulmaya wareega hore ee tartanka UEFA Champions League.
Chelsea ayaa kulanka u soo galaysa kaddib markii ay barbaro 2-2 ah la galeen Brentford kulankii Premier League ee usbuucii tagay.
Kooxda Chelsea ayaa haatan ku jirta kaalinta shanaad ee jadwalka Premier League kaddib markii ay ku guuldareysatay inay ka adkaato Brentford.
Ka hor kulanka ay la ciyaarayaan Bayern Munich ee Champions League, ciyaaryahanka khadka dhexe Moises Caicedo ayaa muujiyey niyad-jab uu ka qabo natiijadii barbar-dhacda ahayd, balse sidoo kale wuxuu sheegay in kooxda diiradda saarayso ciyaarta soo socota.
“Dhab ahaantii waan ka niyad-jabsanahay natiijada, balse hadda waxa nagu soo fool leh kulan kale oo Arbacada ah, waana mid aan diiradda saarnay hadda,” ayuu Caicedo u sheegay website-ka rasmiga ah ee Chelsea.
“Ciyaartoy kasta wuu diyaar noqon doonaa.”
Be the first to comment