
Wakiilka Hugo Ekitike ayaa shaaca ka qaaday sida uu ugu dhowaaday xiddigan reer France inuu ku biiro Newcastle United xagaagan.
Horaantii suuqa kala iibsiga, Ekitike ayaa go’aansaday inuu ka tago Eintracht Frankfurt kuna biiro Liverpool, heshiis lagu sheegay inuu ku kacay ilaa £79 milyan.
Tan iyo markii uu yimid Anfield, Ekitike ayaa muujiyay inuu lacagtaas u qalmo, isagoo dhaliyay 2 gool kana caawiyay 1 gool saddexdiisii kulan ee ugu horreeyay ee Premier League.
Mid ka mid ah goolashaas ayaa yimid ciyaartii xiisaha badnayd ee 3-2 kaga badiyeen Newcastle dhammaadkii bisha August, taasoo niyadjab weyn ku ahayd taageerayaasha Magpies.
Ali Barat, oo ka mid ah wakiilada Ekitike, ayaa haatan daaha ka rogay in laacibkan 23-jirka ah uu si dhab ah ugu dhowaa inuu u wareego waqooyiga bari ee England, taasoo tilmaamaysa inuu aad ugu dhowaa saxiixa Newcastle.
“Wax walba waa la isku afgartay”
Iyadoo uu wareysi siiyay Tuttosport, wakiilka Hugo Ekitike ee Ali Barat ayaa sheegay inuu ku qaatay toban maalmood magaalada Frankfurt isagoo isku dayaya inuu dhammaystiro heshiis uu laacibku ugu wareegayo Newcastle United.
Barat ayaa yiri:
“Waxaan u shaqeynayay Eintracht Frankfurt si aan ugu wareejiyo Ekitike kooxda Newcastle. Waxaan joogay Jarmalka muddo toban maalmood ah.”
“Wax walba ayaan la isku afgartay — kooxda Jarmalka iyo ciyaaryahankaba. Kadib, Liverpool ayaa la soo xiriirtay, isaguna Anfield ayuu doortay.”
Hadalkan ayaa muujinaya in Ekitike uu si dhab ah ugu dhowaa Newcastle, balse baaqii Liverpool ayaa wax walba beddelay.
Be the first to comment