
Goolhayaha kooxda Paris Saint-Germain ee Gianluigi Donnarumma ayaa heshiis la gaaray kooxda Manchester City sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka France.
Laacibka heerka caalami ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay inuu ka niyad jabay ‘Niyad jabay in aanu ka qayb ahayn kulanka ay kooxdiisu ciyaarayso koobka UEFA Super Cup.
PSG ayaa horay ula soo saxiixatay badalka Donnarumma, iyadoo Lucas Chevalier uu kaga soo biiray Lille heshiis ku kacaya €40 milyan oo euro.
Labada Manchester United iyo Manchester City ayaa wadahadalo la yeeshay wakiilka Donnarumma, Enzo Raiola, iyagoo ka wadahadlay suurtogalnimada u dhaqaaqista Premier League xagaagan.
Si kastaba ha ahaatee, L’Equipe ayaa ku warameysa in Donnarumma uu horay ula hadlay Pep Guardiola oo uu heshiis la gaadhay kooxda Man City.
Warka ayaa intaa ku daraya in City ay sugayso Ederson si uu u dhamaystiro ku biiristiisa kooxda Turkiga ee Galatasaray ka hor inta ayna dalab ka gudbin Goolhayaha.
Be the first to comment