Achraf Hakimi Oo Magacaabay Qofka U Qalma Ku Guulaysigan Abaalmarinta Ballon d’or 2025.

Daafaca Paris Saint-Germain, Achraf Hakimi, ayaa ku adkeystay inuu u qalmo inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or 2025.

Hakimi waxa uu ku andacoodey in guulihiisa aan la iska indho tiri karin marka loo eego ciyaartoyda weerarka.

26 jirkaan ayaa noqday daaficii ugu horeeyay taariikhda Champions League ee gool ka dhaliya afar dhamaadka, semi-finalka iyo finalka tartanka hal olole.

Hakimi ayaa ololahan ku dhamaystay 11 gool iyo 16 caawin tartamada oo dhan ah sidoo kale waa rikoor cusub oo Yurub ah oo dhanka daafaca ah isaga oo jabiyay rikoorka Dani Alves.

Isaga oo la hadlaya Canal+, Hakimi waxa uu yidhi: “Markii dadku i galiyeen doodda Ballon d’Or, waa riyo aanan waligay ku fikirin”

“Haddii aan fursad u helo inaan ku guuleysto, waxaan qabaa inaan sidoo kale u qalmo.”

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga