
Xiddigii hore ee kooxda Arsenal Theo Walcott ayaa saadaaliyay natiijada kulanka ay Axada ku wada ciyaari doonaan kooxaha Gunners iyo Man United.
Laacibka reer England ayaa ku taageeraya kooxdiisii hore inay guuleysato kulanka, isagoo saadaaliyay gool uu dhaliyo Gabriel Martinelli.
Waxa uu sidoo kale u saadaaliyay in Arsenal ay kubad heysi badan ku qaban doonto ciyaarta.
“Waxan saadaalinayaa guul 1/0 ah oo ay gaadho Arsenal waxana Dhalin doona goolka Gabriel Martinelli”ayuu yidhi.
“Waxaan u maleynayaa inay kubada in badan haysan doonaan kana awood badnaan doonaan Man United”.
Be the first to comment