
Alexander Isak ayaa lagu soo waramayaa inuu ka guuray gurigiisa Newcastle isagoo doonaya inuu ku biiro Liverpool suuqa xagaagan.
Wargayska The Times ayaa sheegaya in Isak uu ka guuray gurigii uu ka daganaa magaalada iyada oo dad kale laga kireeyay.
Isak ayaa kooxdiisa Newcastle u sheegay In aanu mar dambe u Ciyaari doonin kooxda Ilaa inta uu kaga biirayo Liverpool xagaagan.
Tallaabadan ayaa Liverpool u dhawaynaysa saxiixa xiddiga iyada oo Reds diyaarinayso dalab Cusub.
Liverpool aya laga diiday dalab furitaan ah oo dhamaa 110 Milyan oo euro.
Be the first to comment