Man City Oo Doonaysa Saxiixa Donnarumma Laakiin…

Gianluigi Donnarumma ayaa diirada u saaran Manchester City xagaagan, laakiin kaliya waxa ay u dhaqaaqi doonaan hadii ay iska iibiyaan Goolhaye Ederson.

Goolhayaha Paris Saint-Germain ayaa laga yaabaa inuu ka tago kooxda dhowr bilood ka dib markii uu ku guuleystay Champions League.

Donnarumma ayaa laga saaray kooxda PSG ee wajihi doonta Tottenham koobka UEFA Super Cup habeenka Arbacada.

Kooxda reer France ayaa la aaminsan yahay in ay badalka Donnarumma u aragto Chevalier kaas oo ay la Soo saxiixatay.

Sidaa darteed, kadib markii uu waayay booskiisa, Donnarumma waxaa loo saadaalinayaa inuu ka tagayo kooxda.

Waxa uu diyaar u ahaa inuu sii joogo oo uu u dagaalamo booskiisa laakiin PSG ayaa doorbideysa inay iska iibiso inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga.

TalkSPORT waxay fahansan tahay in talyaanigu u furan yahay u wareegida Premier League.

Chelsea ayaa lala xiriirinayaa xiddiga ku guulaystay champion league.

balse ma jiro wax wadahadal ah oo dhexmaray labada dhinac.

Manchester United ayaa ah koox kale oo lagu xamanayo inay xiiseyneyso, iyadoo ay weheliso kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga