Bayern Munich Mise Barcelona? Luis Diaz Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biirayo.

Mid ka mid ah hadal haynta suurqa xagaaga ayaa ku saabsan xiddiga Luis Diaz kaas oo xiiso waali ah ka helaya kooxaha Barcelona Iyo Bayern Munich.

Xiddiga reer Colombia ayaa si cad u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Liverpool suuqa January.

Sida laga soo xigtay ESPN, Xiddiga Luis Diaz ayaa iska diiday kooxda Barcelona isaga oo doortay in uu ku biiro kooxda Bayern Munich.

Bayern ayaa dooneysa inay xoojiso kooxdeeda ka hor xilli ciyaareedka soo socda, Bayern ma aysan qarsanin rabitaankooda ku aadan saxiixa ciyaaryahan caan ah oo garabka ka ciyaara.

Diaz ayaa ka soo baxaya xilli ciyaareed cajiib ah oo uu ku soo qaatay Liverpool isaga oo door ka ciyaaray ku guulaysiga Liverpool ee horyaalka premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga