
Ciyaarta Real Madrid iyo Paris Saint-Germain ayaa ah kuwa ugu xiisaha iyo xamaasada badan Yurub sanadihii ugu dambeeyay, waxaana ka soo muuqday dhacdooyin cajiib ah iyo magacyo caan ah oo garoonka dhexdiisa.
Ciyaaro badan oo dhex maray labada kooxood ayaa ahaa kuwo aan ka maqnayn makaxdeena gaar ahaan Champions League.
Mid ka mid ah kuwa ugu caansan ee kulamadan ayaa ahaa 2021/22 ee Champions League wareega 16-ka, markaasoo Karim Benzema uu dhinaca kale u rogay natiijada ciyaarta isaga oo dhaliyay seddexley cajiib ah qeybtii labaad ee lugtii labaad, isagoo Real Madrid u gacan geliyay booskooda 16ka dhamaadka inkastoo kooxda Faransiiska uu u ciyaarayay Lionel Messi.
Sidoo kale ma ilaawi karno ciyaartii 2018, markaasoo Cristiano Ronaldo wacdaro dhigay isla markaas ku hogaamiyay in ay garaacdo PSG labadii kulan ee tartanka.
Taas bedelkeeda, Paris Saint-Germain ayaa gaartay guul cajiib ah wareega group-yada 2019, iyagoo 3-0 kaga badiyay Real Madrid ciyaar ka dhacday Parc des Princes habeen uu Angel Di Maria wacdaro dhigay.
Marka la eego tirada labada kooxood waxay ku kulmeen 12 kulan oo rasmi ah, Real Madrid ayaa badisay 5 kulan, Paris Saint-Germain ayaa badisay 4, halka 3 kulan ay ku dhamaadeen barbaro.
Koox kasta ayaa dhalisay 16 gool kulamadan, taasoo ka tarjumaysa in ay labada kooxood isku awood yihiin inkastoo Real Madrid ay ka sareysay kulamadii bug-baxa.
Karim Benzema ayaa hogaanka u haya gool dhalinta kulamada isaga oo dhaliyay 5 gool, waxaana ku soo xiga Cristiano Ronaldo iyo Kylian Mbappé oo min 3 gool dhaliyay.
Be the first to comment