
Warbixin ka soo baxday saxaafada Spain ayaa lagu xaqiijiyay in horyaalka La Liga uu diiday codsigii Real Madrid ee ahaa in dib loo dhigo kulankooda furitaanka horyaalka Spain ee ay la ciyaarayaan Osasuna.
Real Madrid Iyo Osasuna ayaa isku af gartay in kulanka dib loogu dhigo laakiin xidhiidhka La Liga ayaa diiday dalabka Real Madrid.
Codsiga Real Madrid ee ah in dib loo dhigo kulanka Osasuna ayaa yimid kadib markii ay kooxdu u baahday nasiino badan inta ay ka qayb galayso koobka kooxaha aduunka oo haatan ka socda dalka America.
Real Madrid ayaa ku jirta semi-finalka koobka kooxaha adduunka, halkaasoo ay caawa la ciyaari doonto kooxda Paris Saint-Germain.
Haddii ay u soo baxdo final-ka waxa ay ciyaari doontaa July 13.
Waxaa xusid mudan in kulanka Real Madrid iyo Osasuna la ciyaari doono 19-ka August.
Be the first to comment