Alan Shearer Oo Magacaabay 5 Kooxood Oo Liverpool Kula Tartami Doona Premier League.

Alan Shearer ayaa la yaabi lahaa haddii Liverpool ay si raaxo leh ugu guuleysato Premier League xilli ciyaareedka soo socda, waxaana uu rajeynayaa in shan kooxood ay ku tartamaan hogaanka horyaalka.

Maqaamka Liverpool ee ku guuleysiga horyaalka Premier League ayaa la xaqiijiyay Axadii iyadoo ay harsan yihiin ciyaaro kooban.

Reds, oo ku guuleysatay horyaalka Ingariiska ee 20-aad, ayaa 15 dhibcood ka sareysa kooxda ku jirta kaalinta labaad ee Arsenal, waxayna 21 dhibcood ka sareeyaan kooxda heysata horyaalka sanadkii hore ee Manchester City.

City ayaa isku dayaysay in ay ku guulaysato rekoodhkii shanaad oo xidhiidh ah ee horyaalka laakiin way ka gaabisay taas oo kooxaha kale fursad u siisay in ay ku guulaystaan ​​koobka Premier Leaque-ga.

Shearer ma arko sabab ay Liverpool u difaaci karin horyaalka laakiin waxa uu filayaa tartan aad u weyn oo ay kala kulmayaan premier League.

“Waan la yaabi lahaa haddii Liverpool ay si fudud ugu guuleysato xilli ciyaareedka soo socda,” Shearer ayaa ku yiri The Rest is Football podcast

“Ma arko in taasi dhacayso gabi ahaanba”.

“Waxaa jira kooxo badan oo sugaya inay horumar sameeyaan, Arsenal waa hal, Man City oo kale, Newcastle iyo Aston Villa sidoo kale. Chelsea waa koox kale”.

“Waxaa jira kooxo badan oo doonaya oo ay tahay inay horumariyaan sanadka soo socda. Hadii Liverpool ay ku guulaysato sanadka soo socda, ma noqon doonto mid fudud”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga