
Kabtankii hore ee Manchester United, Roy Keane ayaa magacaabay labada kooxood ee ciyaari doona finalka UEFA Champions League xilli ciyaareedkan.
Xili ciyaareed kan champions League ayaa haatan maraya heerkii semi-finalka.
Arsenal, Paris Saint-Germain, Barcelona iyo Inter Milan ayaa ku jira wareega 4-aad.
Wareega semi-finalka Champions League ayaa bilaaban doona usbuuca soo socda.
Arsenal ayaa wajihi doonta PSG, halka Inter Milan ay wajihi doonto Barcelona.
Si kastaba ha ahaatee, Keane ayaa aaminsan inay qoran tahay in Arsenal iyo Barcelona ay ciyaari doonaan finalka Champions League bisha May ee xilli ciyaareedkan.
“Final-ka Arsenal iyo Barcelona, wax walba waa ay qorantahay”ayuu yidhi
Markii ugu dambeysay ee Arsenal iyo Barcelona ay ku kulmaan finalka Champions League waxay aheyd 2006dii.
Kooxda horyaalka La Liga ee dalka Spain ayaa ku garaacday Gunners si ay koobka ugu qaado.
Be the first to comment