
Real Madrid ayaa la filayaa in ay iska fasaxdo Carlo Ancelotti todobaadyada soo socda waxana ay dhawaan suuqa u gali doontaa tababare cusub.
Ancelotti ayaa ku guuleystay 15 koob oo waaweyn labadiisii wakhti ee uu hogaamiyay kooxda Real Madrid oo ay ku jiraan saddex Champions League iyo labo horyaal oo La Liga ah.
Laakiin waxa ay soo mareen xilli ciyaareed adag xilli ciyaareedkan warbixino dhowr ah ayaana soo jeedinayay in 65 jirkaan uu ka tagi karo Madrid ka dib finalka Copa del Rey ee 26ka April.
Waxa Jira 6 tababare oo haatan lala xidhiidhinayo In Ay badali doonaan Ancelotti.
Tababarayaasha Xabi Alonso, Jurgen Klopp, Zinedine Zidane, Raul, Andoni Iraola, Michel Ayaa ku Jira liiska kooxda Real Madrid.
Be the first to comment