
Liverpool ayaa xaqiijisay in daafaca dhexe ee Virgil van Dijk uu qalinka ku duugay heshiis cusub.
Reds ayaa wajahday cadaadis weyn xilli ciyaareedka oo dhan si ay u xaliso mustaqbalka Van Dijk, Mohamed Salah iyo Trent Alexander-Arnold ka hor inta uusan dhicin qandaraaskooda xagaagan.
Salah ayaa todobaadkii hore heshiis cusub u saxiixay kooxda Liverpool isaga oo qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah.
Van Dijk ayaa haatan raacay qaabkii uu qalinka ugu duugay heshiis cusub oo laba sano ah oo uu ku sii joogayo Anfield.
“Aad ayaan u faraxsanahay, aad ayaan ugu hanweynahay,” Van Dijk ayaa u sheegay warbaahinta kooxda.
“Waxaa jira shucuur badan oo iska cad oo madaxayga soo mara hadda anigoo ka hadlaya”.
“Mar walba waxa aan ahaa Liverpool,” ayuu carabka ku adkeeyay”.
“Taasi waxay ahayd xaaladdu, had iyo jeer waxay ku jirtay madaxayga, had iyo jeer waxay ahayd qorshaha mar walbana waxay ahayd Liverpool”
Be the first to comment