Tuma Ayay Ahayd Kooxdii Uu Yamal U Saadaaliyay Champions League.

Lamine Yamal ayaa durba la caddeeyey inuu qaldan yahay ka dib markii uu magacaabay kooxda kaliya ee ka hor istaagi karta Barcelona inay ku guuleysato Champions League.

Kooxda Hansi Flick ayaa Iska xaadirisay Semi-final Champions League Kadib markii ay ka badiyeen kooxda Borussia Dortmund.

Isagoo hadlayay horaantii xilli ciyaareedka, da’yarka Yamal ayaa Liverpool u doortay kooxda ugu cadcad ku guuleysiga Champions League ka hor Barcelona.

Waxa uu u sheegay MD: “Waxaan u maleynayaa in kaliya Liverpool ay noogu cadcad yihiin Champions League… maadaama ay kaalinta 1-aad ku dhamaysateen”

“Waan u tartami karnaa inaan ku guuleysano, waan joogi karnaa.”

Waqtigaas tababaraha kooxda ee Flick ayaa sidoo kale sheegay in Liverpool ay noqon karto khatarta ugu weyn ee kooxdiisa sanadkan.

“Mustaqbalku wuxuu sheegi doonaa inaan ka mid nahay kuwa ugu cadcad iyo in kale,” ayuu yiri Flick bishii Janury.

“Champions League waa mid ka mid ah tartamada ugu adag ee lagu guuleysto, laakiin waa inaan isku daynaa, markaan eego Liverpool, waxaan arkaa koox leh awood cajiib ah, waa mid ka mid ah kooxaha aan ugu jecelahay aduunka hadda, si fiican ayay u ciyarayaan laakiin waxaa jira kooxo aad u fiican oo sidoo kale si fiican u shaqeynaya, waxaana ku tartamaynaa seddex waji (Champions League, LaLiga iyo Copa del Rey).

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga