
Tababaraha Manchester United Ruben Amorim ayaa sheegay in Joshua Zirkzee uu dhaawac ku seegayo inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.
Laacibka reer Holland ayaa ku soo bilowday axadii kulankii Man United guuldaro 4/1 ah kala kulantay Newcastle United laakiin waxa uu dhaawac uga baxay ciyaarta qaybtii dambe.
Zirkzee waxaa garoonka ka caawiyay shaqaale caafimaad iyo kabtan Bruno Fernandes ka hor inta aan lagu bedelin Rasmus Hojlund.
Isagoo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka Khamiista ee wareega 8da ee Europa League ee ay la ciyaarayaan Lyon, Amorim ayaa daaha ka qaaday in xilli ciyaareedka 23 jirku soo dhamaaday.
“Waxa uu maqnaan doonaa inta ka dhiman xilli ciyaareedka”ayuu Amorim yidhi.
“Mar kale ma ciyaari doono xilli ciyaareedkan, aan u diyaarino kan soo socda, waa adag tahay, waxa uu horumar ka sameeyay dhinac walba oo ciyaarta ah, way ku adag tahay ciyaaryahan kasta laakiin waa inuu diyaar u yahay inuu soo kabsado”.
Be the first to comment