Arsenal Mise? Rio Ferdinand Oo Magacaabay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League Kadib Kulamadii Lugta Hore 8 Dhamaadka Tartanka

Daaficii hore ee Manchester United, Rio Ferdinand, ayaa u magacaabay Paris Saint-Germain inay tahay kooxda ugu cadcad inay ku guuleysato Champions League ka hor Arsenal.

Ferdinand ayaa hadlayay ka dib markii PSG ay 3-1 kaga badisay Aston Villa lugtii hore ee wareega 8da habeenkii Arbacada.

Maalin ka hor Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates 3-0 ku xasuuqday Real Madrid, waxayna ku jirtaa xaalad aad u fiican oo ay ugu gudbi Karto wareega Semi Final-ka champions league.

Hadii kooxda Mikel Arteta reebto kooxda difaacanaysa koobka waxa loo arki doonaa kuwa ugu cadcad ku Guulaysiga koobka.

Laakiin Ferdinand ayaa dareensan in PSG oo Liverpool ka reebtay wareegii hore ay tahay kooxda ugu cadcad marka loo eego Arsenal.

“Waxay ku ciyaareen awood dhab ah caawa,” Ferdinand ayaa u sheegay TNT Sports

“Waxay u ciyaareen sidii ay horay marar badan ugu guulaysteen koobka”

“Hada iyaga ayaan ka dhigayaa kuwa ugu cadcad ku Guulaysiga koobka marka la eego qaab ciyaareedkooda”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga