Maaxad Ka Ogtahay Kulankii Ugu Dambeeyay Ee Real Madrid Iyo Arsenal Ku Dhexmaray Champions League.

Kooxaha Arsenal Iyo Real Madrid ayaa isku haleeli doona kulan si weyn loo wada sugayo champion League Habeenka Salaasada.

Kulanka ayaa ka dhici doona Emirates kulan ka tirsan lugta 1-aad ee 8 Dhamaadka tartanka Champions League.

Ma noqon doonto markii ugu horaysay ee ay Arsenal kooxda Real Madrid ku marti galiso Emirates maadama ay horay u aadeen Emirates.

Kulanka ayaa dhacay 8 bishii March sanadkii 2006 waxana uu ku dhamaaday bar-baro 0/0 ah iyada oo ayna labada kooxood waxba kala dhalin waxana uu ka dhacay garoonkii hore ee Arsenal Highbury.

Waxa kulankaas ka horeeyay kulankii lugta hore ee wareega 16-ka champions League kaas oo ka dhacay garoonka Santiago Bernabue waxana 1/0 ku badisay kooxda Arsenal.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga