
Virgil van Dijk ayaa mar kale soo bandhigay cadayntii ugu weynayd ee ah in uu diyaar u yahay in uu heshiis cusub u saxiixo Liverpool.
Qandaraaska kabtanka kooxda ee haatan ayaa lagu wadaa inuu dhaco dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana labada dhinac ay ka wada hadleen heshiis kordhin.
Ka dib guuldaradii naxdinta lahayd ee Axadii ka soo gaartay Fulham, taas oo yaraysay fursada Liverpool ee horyaalka Premier League, Van Dijk ayaa u sheegay taageerayaasha jaceylka uu u qabo kooxda xilli ay jirto “horumar” wadahadalada qandaraaska.
Van Dijk ayaa yiri: “Horumar ayaa jira, haa, ma garanayo, waan arki doonaa. Dhageyso, kuwani waa wada hadalo gudaha ah, waana arki doonaa”.
“Waan jeclahay kooxda, waan jeclahay taageerayaasha, waxayna mar kale noo joogeen, waxaana dooneynay inaan ku abaalmarino Fulham, laakiin waxaan rabaa inaan mar kale halkaas joogo kulanka West Ham oo aan ka dhigo garoon la yaab leh sida had iyo jeer”.
Waa calaamadda ugu weyn ee muujinaysa in uu Van Dijk u kordhin doono heshiiska Liverpool siina joogi doono kooxda.a
Be the first to comment