Harry Kane Oo Ka Jawaabay Wararka La Xidhidhinaya Liverpool

Harry Kane ayaa u muuqda mid meesha ka saaray suurtagalnimada ku soo laabashada Premier League xagaagan iyada oo lala xiriirinayo Tottenham iyo Liverpool.

Kabtanka England ayaa haatan ku jira qaab ciyaareed fiican xilli ciyaareedkiisii ​​​​labaad ee Bayern Munich isaga oo dhaliyay 33 gool waxana uu isku diiwaan galiyay 12 caawin 38 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan ilaa haatan waxana uu ku socdaa wadadii uu ugu dambayn ku soo afjari lahaa abaartiisa koobabka iyada oo kooxda Vincent Kompany ay lix dhibcood oo nadiif ah ku hayso hogaanka Bundesliga iyada oo todoba kulan ay u hadhsan yihiin in la ciyaaro.

Inkasta oo uu ku jiro qaab ciyaareed cajiib ah waxa lala xidhiidhinayaa ku laabashada premier League todobaadyadii ugu dambeeyay.

Waxa jiray warar sheegaya in ay Liverpool doonayso xiddiga 31 jirka ah kaas oo sidoo kale lala xidhiidhinayo kooxda Tottenham.

Si kastaba ha ahaatee, Kane ayaa weli qandaraas kula jira Allianz Arena ilaa xagaaga 2027, welina kama fekerayo inuu ka tago Bavaria.

Mar ay waydiisay ESPN haddii sheekooyinka xagaaga ee ku soo laabashada Premier League Kane ayaa yidhi”Waxaa jira dhawr sheeko oo aan kala sooc lahayn oo hubaal ah, waxba kama jiraan, Ma garanayo halka ay ka yimaadeen, laakiin hubaal waan ku faraxsanahay halkan Bayern Munich”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga