Myles Lewis-Skelly Oo Taariikh Cusub U Dhigay Xulka England.

Xiddiga kulankii ugu horeeyay u saftay xulka qaranka England ee Myles Lewis-Skelly ayaa bog cusub oo taariikhda saddexda libaax ku qoray goolkisii furitaanka ee jimcihii isreeb reebka koobka aduunka 2026 ee ay la ciyaareen Albania.

18-sano jirkaan ayaa ka soo ciyaaray 19-jirada isagoo ku soo bilaabay kooxda koowaad dhowr bilood gudahood, iyadoo la siiyay booska daafaca bidix kulankii ugu horreeyay ee Thomas Tuchel.

Xiddiga da’yarka h ayaa dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee Tuchel ee xulka England kadib markii uu caawin ka helay Jude Bellingham.

Kadib markii uu dhaliyay goolka Lewis-Skelly ayaa noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee abid gool u dhaliya England ee kulankiisii ugu horeeyay ciyaaray isaga oo jira 18 sano Iyo 176 maalin.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga