
Kulankii ugu horeeyay ee Thomas Tuchel ee xulka qaranka England ayaa keentay in uu Jude Bellingham safto kulankiisii 41-aad isagoo dhaafay rikoorka ciyaaryahan kasta oo da’diisu tahay 21 ama ka yar waana rikoodh hore oo uu dhigay Wayne Rooney.
Xiddiga Jude Bellingham ayaa muhiim ka noqday xulka qaranka England isaga oo ciyaara kulamada uu xulku ciyaaro oo dhan.
Kadib kulankii uu ciyaaray ee ay ka badiyeen Albania waxa uu dhaafay rikoodhka Rooney oo ahaa 40 kulan isaga oo 21 sano jir ah ama ka yar.
Be the first to comment