
Liverpool ayaa dharbaaxo weyn la kulantay ka hor finalka Carabao Cup iyada oo Trent Alexander-Arnold uu u muuqdo mid seegaya kulanka Newcastle ee Wembley.
Daafaca dambeedka midig ee England ayaa dhaawac ka baxay qeybtii labaad ee waqtigii caadiga ahaa iyadoo Reds laga soo reebay wareega 16ka Champions League iyadoo rigoorayaal ay Paris Saint-Germain ku garaacday habeenkii Salaasada Anfield.
Alexander-Arnold ayaa daawayn garoonka dhexdiisa lagu daweeyay balse wuu sii wadi kari waayay waxaana lagu soo badalay Jarell Quansah.
Inkastoo Konate uu diyaar u yahay finalka Carabao Cup iyadoo Arne Slot uu aaminsan yahay in ninka reer France uu la il daran yahay daal marka loo eego dhaawac.
Liverpool ayay aad u badantahay in ay lumiyaan xiddiga Trent Alexander Arnold kulanka Final Carabao Cup-ka ay la ciyaari doonto Newcastle.
“Waa inaan weydiiyaa laakiin Ibou [Konate] wuxuu ahaa mid aad u daalan marka loo eego dhaawac, Trent waxa uu ahaa in uu boxo kadib dhaawac Soo Gaadhay”.
Be the first to comment