Martin Odegaard Oo Qiimeeyay Fursadaha Arsenal Ee Ku Guulaysiga Premier League.

Martin Odegaard ayaa ku adkeysanaya in Arsenal ay wali horyaalka premier League ku garaaci karto Liverpool.

Liverpool ayaa 16 dhibcood ku qabtay hogaanka premier League kadib guushii ay ka gaadheen Southampton sabtidii.

Arsenal ayay 2 kulan baaqi u yihiin waxana ay la ciyaari doontaa Man United manta oo Axad ah.

Gunners ayaa war xun ka heshay rajadooda tartanka premier League kadib markii ay guuldaro kala kulmeen West Ham ka hor inta ayna bar-baro la galin Nottingham Forest.

Laakiin Odegaard ayaa aaminsan in qaab ciyaareedka Liverpool ay muujinayso in la soo yarayn karo farqiga ay ka dambayso Liverpool.

“Waan dagaalami doonnaa ilaa dhamaadka,” Odegaard ayaa yiri.

“Haatan waxa aan horyaalka u tartamaynay muddo 3 sano ah waxana jirtay in aan dhibco badan ku hogaaminaynay horyaalka laakiin waxa aan ku dhamaysanay kaalinta 2-aad”

“Waxa ay taasi muujinaysaa in aan ku guulaysan karno horyaalka wali”.

“Waxa aan nafteena dhignay meel adag laakiin waan dagaalami oonaa”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga