War U Farxad Ah Liverpool: Xiddig Halis Ah Oo Ka Maqnaan Doona Newcastle Ka Hor Final-ka Carabao Cup-ka.

Weeraryahanka Newcastle Anthony Gordon ayaa laga saaray finalka Carabao Cup oo ay la ciyaarayaan Liverpool dhamaadka bishaan ka dib casaankii uu qaatay kulankii Brighton.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa la ceyriyay qeybtii labaad ee ciyaartii Newcastle ee wareega shanaad ee FA Cup ay la ciyaareen Seagulls axadii.

Gordon ayaa ciyaarta laga saaray Ka dib markii uu u muuqday inuu riixayo Jan Paul van Hecke, waxaana uu haatan seegi doonaa seddexda kulan ee soo socota ee kooxdiisa, oo ay ku jiraan safarkooda Wembley si ay ula kulmaan Liverpool axada 16-ka Bishan.

Gordon ayaa sidoo kale seegay ciyaartii ugu dambeysay ee Newcastle finalka Carabao Cup labo sano ka hor, isagoo ka yimid Everton isla markaas seegay maadama uu koox kale u soo ciyaaray tartanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga