
Theo Walcott ayaa magacaabay seddex ciyaaryahan oo uu ku soo dhaweyn lahaa Arsenal xagaagan iyadoo kooxdiisii hore ay si quus ah isku dayeyso inay gaarto heerka loo baahan yahay si ay ugu dambeyntii ugu guuleysato Premier League.
Gunners ayaa waayi doonta mar kale horyaalka premier League hadii ayna mucjiso kale dhicin iyada oo 13 dhibcood oo cadaan ah ka dambaysa Liverpool.
Ku dhamaysiga kaalinta 3-aad waxa ay noqon doontaa xilli ciyaareedkii 3-aad oo xidhiidh ah waxana ay kooxdu doonaysaa in ay ugu dambayn ku guulaysato premier League.
Guud ahaan waa la aqbalay in Arsenal ay u baahan tahay inay la soo wareegto weeraryahan cusub xagaagan ka dib markii ay ku guuldareysatay inay xoojiso weerarka Arteta.
Saxiixa riyada Walcott wuxuu noqon lahaa weeraryahanka Newcastle United Alexander Isak, kaasoo lala xiriirinayo kooxaha sida Real Madrid, Chelsea, Manchester United iyo Liverpool iyo sidoo kale Arsenal.
Ciyaaryahankii hore ee England Walcott ayaa sidoo kale ku taageeray Gunners inay la soo saxiixdaan Bryan Mbeumo oo ka tirsan Brentford iyo Callum Hudson-Odoi oo ka socda Nottingham Forest.
Markii la weydiiyay inuu magacaabo seddex ciyaaryahan oo uu jeclaan lahaa inay Arsenal la soo wareegto xagaagan, Walcott ayaa u sheegay DR Sports: ‘Uma maleynayo in Arsenal ay u baahan tahay seddex ciyaaryahan oo cusub, waxaan dhihi lahaa waxay u baahan yihiin hal kaliya”
‘[Alexander] Isak waa kan qof walba doonayo. Laakiin haddii aad qori madaxayga ku qabanayso oo aad laba kale tidhaahdo, waxa aan dooran lahaa, Mbuemo si uu ula tartamo Saka”.
“Sidoo kale waxa aan jeclaan lahaa in ay kooxdu la soo saxiixato xiddiga Nottingham Forest ee [Callum] Hudson-Odoi”
Be the first to comment