Weeraryahan Man United U Ciyaara Oo Ay Daatacyadu Ka Laad Badan Yihiin Xilli ciyaareedkan.

Taageerayaasha Manchester United ayaa rajo weyn ka qabay Rasmus Hojlund markii uu kaga yimid Atalanta aduun dhan £72 million xagaagii 2023.

Laakiin dhibaatada weeraryahanka da’da yar ayaa lagu muujiyay xog naxdin leh isaga oo goolka ku laaday laadad yar isaga oo xitaa ka laad yar qaar ka mid ah daafacyada.

Hojlund ayaa ciyaaray 22 kulan premier league xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu dhaliyay kaliya 2 gool isaga oo aan wax caawin ah samayn.

Waxa intaas ka wal-wal badan in Aanu wax gool dhalin sanadka 2024.

Xilli ciyaareedkan oo dhan Hojlunad ayaa goolka ku laaday kaliya 13 laad taas oo ah xog diciif ah weerarka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga