Arteta oO Ka Hadlay Sababta Ayna Kooxdiisu Ugu Guulaysan Karin Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay tartanka kooxdiisu gu jirtay horyaalka premier Legaue Iyo xaaladaha ku hareeraysan.

Arsenal ayaa xilli ciyaareedkii 3-aad oo xidhiidh ah ku tartamaysa premier League iyada oo si aad ah u doonaysa ku guulaysiga horyaalka.

Kooxda Arsenal ayaa labadii xilli ciyaareed ee hore horyaalka kula tartamaysay kooxda Man City.

Laakiin Xilli ciyaareedkan waxa ay kula tartamaysaa kooxda Liverpool kuwaas oo hogaaminaya horyaalka.

Arsenal ayaa la dhibaatootay dhaawacyo xilli ciyaareedkan waana xaalad ayna horay u soo marin labadii xilli ciyaareed ee hore ee ay ku tartamaysay horyaalka.

Arteta ayaa sheegay in ayna jirin koox ku guulaysan karta horyaalka marka loo eego dhaawacyada joogtada ah ee soo gaadhay Arsenal.

“Hadii aad doonaysid in aad ku guulaysato horyaalka waa in aad samaysid wax cajiib ah”ayuu Arteta yidhi.

“Hadii aad doonayso in aad ku guulaysato premier League marka la eego duruufaha aan ku jirno waa in aad samayso ax ayna cid kale horay u samayn taariikhda premier League”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga