Liverpool Vs Newcastle: Taariikhda Kulamada Kooxaha Liverpool Iyo Newcastle.

Caawa oo Arbaca ah, Liverpool waxa ay martigelin doontaa kooxda ay xafiiltamaan ee Newcastle United, kulan ka tirsan wareegga 27-aad ee horyaalka Ingiriiska.

Liverpool ayaa hogaanka u haysa horyaalka England Premier League,waxana ay leedahay 64 dhibcood,halka Newcastle ay ku jirto kaalinta lixaad,iyadoo leh 44 dhibcood.

Liverpool ayaa kulanka maanta soo galaysa iyada oo u jeeddadeedu tahay in ay guul gaarto si ay ugu sii dhawaato ku guulaysiga premier League.

Liverpool ayaa wajahday 59 kulan ilaa haatan horyaalka premier League iyaga oo badiyay 35 kulan halka laga badiyay 11 kulan isla markaas ay bar-baro galeen 13 kale.

Liverpool ayaa ku guulaysatay inay 122 gool ka dhaliso Newcastle United, halka ay Newcastle ka dhalisay Liverpool 64 gool.

Michael Owen ayaa loo arkaa gooldhaliyaha abid ugu sareeyay kulamadii labada kooxood ee horyaalka, isagoo dhaliyay 13 gool.

Waxaa xusid mudan in Liverpool aysan wax guuldaro ah kala kulmin Newcastle horyaalka tan iyo sanadkii 2015-kii, iyadoo labada kooxood ay wada ciyaareen 16-kulan mudadaas, iyadoo Liverpool ay badisay 11-kulan, halka 5-kulan ay barbaro galeen.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga