
Paul Merson ayaa saadaaliyay in Liverpool ay ku guulaysan doonto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan hadii ay Manchester City ku garaacdo Etihad axada.
Arsenal ayaa hadda fadhisa booska labaad waxayna soo yarayn doontaa dhibcaha ay ka dambayso Liverpool hadii ay badiso kulanka West Ham ee Sabtida.
Laakiin xiddigii hore ee Arsenal Merson ayaa yidhi in aanay arintaasi waxba ka badali doonin hadii ay Liverpool badiso kulanka Man City.
“Waxa aan qabaa in ay Liverpool garaaci doonto Man City, waxa aan dareensanahay in aanay Man City wax fursad ah haysan”.
“Hadii ay Liverpool badiso ka badiso Man City waxa aan dareemayaa in ay ku guulaysan doonto horyaalka”.
Be the first to comment