
Xilli ciyaareedkaxiisaha leh ee Liverpool ayaa weli sii socda iyada oo Reds Haysata boggaga Hore ee wargaysyada ka faalooda ciyaaraha.
Iyada oo Liverpool u tartamayso koobab dhinacyo badan taabanaya waxa aan wali la xalin mustaqbalka qaar ka mid ah xiddigeheeda ugu fiican uguna muhiimsan.
Xiddigaha Mo Salah, Virgil van Dijk iyo Trent Alexander-Arnold ayuu Dhamaantood heshiiskoodu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Sida laga soo xigtay wargeysyada Spain, sida uu faafiyay Football365, Liverpool ayaa xoojisay wada xaajoodyada si ay u sii hayaan Salah daqiiqaddii ugu dambeysay si ay u xaqiijiyaan mustaqbalkiisa.
Qandaraaska uu haatan kula jiro kooxda ayaa ku eg dhamaadka xili ciyaareed kaan, waxaana laacibku uu dhawaan sheegay in sanadkan uu yahay sanadkiisii ugu dambeeyay ee kooxda, sababa la xiriira horumar la’aanta wadahadalada uu kula jiro kooxda.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladihii ugu dambeeyay ayaa soo jeedinaya in Salah uu haatan u janjeero inuu sii joogo, iyadoo guusha joogtada ah ee Liverpool ay door weyn ka qaadatay go’aankiisa.
Be the first to comment