Ethan Nwaner Oo Jabiyay Rikoodh Uu Dhigay Bukayo Saka

Xiddiga kooxda Arsenal ee Ethan Nwaneri ayaa jabiyay rekoodh Premier League ah oo uu hore u haystay saaxiibkiis Bukayo Saka intii lagu jiray kulankii ay Gunners 2/0 uga badisay Leicester City.

Nwaneri ayaa Soo bandhigay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa isaga oo ku guulaystay in uu u Soo dalaco kooxda 1-aad.

Tababare Arteta ayaa xiddiga 17 sano jirka ah ku aaminay in uu door muhiim ah la ciyaaro kooxda xilli ciyaareedkan.

Intii lagu guda jiray kulankii ay Arsenal 2-0 kaga badisay Leicester City, Nwaneri ayaa noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee dhammaystiray shan gambis sidoo kale caawin sameeyay kulan.

Rikoorkan waxaa horay u haystay Saka isagoo jira 18 sano iyo 164 maalmood kulankii Newcastle ee 2020.

Bishii hore, Nwaneri waxa uu sidoo kale noqday ciyaaryahankii labaad ee ugu da’da yaraa England ee gool ka dhaliya Champions League ka dib guushii uu ka dhaliyay Girona ciyaartii ugu dambeysay ee heerka Champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga