Slot Oo Xaqiijiyay Xiddig Shaki Ku Jiro Kulanka Aston villa.

Arne Slot ayaa qirtay in Cody Gakpo uu shaki ku jiro kulanka Liverpool ee Aston Villa.

Weeraryahanka Reds ayaa ku qasbanaaday inuu fadhiisto kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Wolves ee ka dhacay Anfield.

Waxa ay jug ka soo gaadhay kulankii ay barbaraha 2-2 ah la galeen Everton kulankii Merseyside derby.

Guushii Liverpool ay ka gaartay Wolves ayaa soo ceshatay todobo dhibcood oo ay ku hogaamineyso horyaalka Premier League. Si kastaba ha noqotee, waxay safar adag ku tagayaan Aston Villa seddex maalmood gudahood.

Gakpo, oo dhaliyay 16 gool xilli ciyaareedkan, ayaa laga yaabaa inuu mar kale seego kulanka Aston villa.

Slot ayaa shirkiisii jaraa’id ee Wolves ka dib ku yidhi: “Waxa ay jug ka soo gaadhay kulankii Everton, in yar oo naga mid ah ayaa jug soo gaadhay laakiin isaga dhaawac yaaa soo gaadhay”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga