Declan Rice Oo Fariin U Diray Liverpool.

Declan Rice ayaa u balan qaaday Arsenal in ay ku jiri doonto tartanka horyaalka Premier League ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan iyaga oo riixaya in ay ku guulaystaan koobab.

2025 ayaa Arsenal ku bilaabatay si isku dhafan, kuwaas oo laga saaray labada koob ee FA Cup iyo Carabao Cup horaantii sanadkan, laakiin guuldaro la’aantooda horyaalka ayaa ka caawisay inay sii wadaan baacsiga Liverpool tartanka Premier League.

Kooxda Slot ayaa 6 dhibcood ku hogaaminaysa horyaalka iyaga oo uu hal kulan baaqi u yahay waxana ay 9 dhibcood ka horayn doonaan Arsenal hadii ay badiyaan kulanka baaqiga u ah ee Everton Arbacada.

Rice ayaa u sheegay taageerayaasha kooxdiisa in ay waxyaabo waaweyn iman doonaan.

“Wali axa dhiman waddo dheer”ayuu Rice u sheegay Sky Sport.

“Tababaruhu waxa uu sheegay in aanu kaliya ka fikirno nafteena”.

“Lakiin ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka waanu tartami doonaa”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga