Amorim Oo Sharaxay Sababta Ayna Kooxdiisu Ula Soo Saxiixan Weeraryahan.

Tababaraha Man United ee Ruben Amorim ayaa sheegay in ay halis qaateen suuqii January Laakiin waxa uu sheegay in aanu samayn lahayn si ka duwan sida uu haatan sameeyay.

United ayaa amaah ku fasaxday Marcus Rashford, Antony iyo Tyrell Malacia, laakiin waxay ku guuldareysteen inay la soo saxiixdaan weeraryahan si ay wax uga qabtaan gool la’aantooda marka loo eego in ay kaliya dhaliyeen 28 gool 24 kulan xilli ciyaareedkan premier League.

Amorim waxa uu qirtay in aanu la soo saxiixan weeraryahan ay khatar tahay, laakiin waxa uu sheegay in United aanay doonayn in ay samayso khalad ay horay u samaysay waxana uu ku celceliyay go’aankiisa ah in uu wax u sameeyo sidii uu rabay – inkasta oo natiijooyin xun ay heleen taas oo keentay in laga badiyay shan ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka.

“Waxa aan dareemayo ayaa ah in kooxdu ay qaadanayso waqtigeeda,” ayuu yidhi Amorim.

“Waan ognahay xaalada degdega ah ee waqtiga kooxda, laakiin qof walba oo halkan jooga ma rabo inuu sameeyo qaladaadkii hore”.

“Xagaaga waan arki doonaa laakiin, sidaan idhi, aad ayaan uga taxadareynaa suuqa kala iibsiga sababtoo ah waxaan sameynay qaladaad hore. Waxaan u dagaalamaynaa shaqooyinkeena ilaa xagaaga, waxaana diirada saarayaa ciyaarahan”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga