![image_2025-02-06_162934212](https://i0.wp.com/kooxda.com/wp-content/uploads/2025/02/image_2025-02-06_162934212.png?resize=646%2C381&ssl=1)
Manchester United ayaa soo saartay digniin ku socota Patrick Dorgu iyo Lecce si ay ugu qasbaan inuu u dhaqaaqo suuqa January, sida uu sheegay madaxweynaha kooxda Serie A.
United ayaa heshiis 35 milyan euro ah la gashay Lecce todobaadkii ugu dambeeyay ee suuqa January iyada oo Dorgu noqday saxiixii ugu horeeyay e wakhtiga Ruben Amorim.
Napoli ayaa sidoo kale loolan ugu jirtay saxiixa Dorgu, agaasimaha ciyaaraha kooxda reer Talyaani, Giovanni Manna, ayaa sheegay isbuucaan in United ay ka bixisay saxiixa xiddiga lacag ka badan mid uu u qalmo si ay u helaan xiddiga 20 sano jirka ah.
Madaxweynaha Lecce, Saverio Sticchi Damiani, ayaa sheegay in kooxdu ay aad u dooneysay inay sii haysato Dorgu inta ka harsan xilli ciyaareedka, waxaana uu shaaca ka qaaday in United ay u sheegtay ciyaaryahanka iyo kooxdaba in uu heshiisku hada dhoco ama uuna waligiis dhicin si ay u helaan saxiixiisa.
“Waa iibkeenii ugu qaalisanaa waxana ay dhacday wakhti aan ku jirno xaalad dhaqaale oo fiican”ayuu Damiani yidhi.
“Ma ahayn arin qorshaysan in uu boxo suuqa January laakiin waxa uu noo keenayaa xaalad dhaqaale fiican”ayuu yidhi.
“Dhawr mar ayaan sheegnay in Dorgu uuna ka tagi doonin January waxana aan haatan sharixi doonaa sababta ay u dhacday”.
“Waxa aan dalbanay in uu Dorgu sii joogo January laakiin taasi ma dhicin waxana ay Noo sheegeen in uu heshiisku haatan dhoco ama uuna dhicin waligeed”ayuu ii raaciyay.
Be the first to comment