Ryan Gravenberch ayaa qirtay in xiddigii hore ee Liverpool Sadio Mane uu ka caawiyay inuu ku qanciyo in uu ku biiro kooxda Liverpool xagaagii 2023.
Xiddiga reer Holland ayaa kooxda Jarmalka kaga soo biiray Ajax isla xagaagii Mane uu ku biiray Bayern Munich kana tagay Liverpool.
Inkasta oo uu Bayern ka caawiyay in ay ku guulaysato horyaalka Bundesliga, labada ciyaartoyba waxa ay ku dhibaatoodeen in ay boos joogto ah ka helaan shaxda Bayern Munich.
Gravenberch ayaa kaliya ku soo bilowday lix ka mid ah 34-kii kulan ee uu u saftay Bayern ka hor inta ayna Liverpool kula Soo wareegin lacag 40 milyan ah maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga ee xagaagii 2023.
“Sadio waa nin aad u fiican, waa nin aad u fiican,” ayuu la wadaagay LFC TV dhacdadii ugu dambeysay.
“Markii aan joogay Munich, waxaan sidoo kale weydiiyay isaga wax ku Saabsan Liverpool, hadii ay Ii tahay tallaabo fiican, sida ay kooxdu tahay iyo wax walba, wuxuu ii sheegay waxyaabo badan oo wanaagsan, sidaas darteed ayaan go’aansaday in aan ku biiro kooxda”.
Be the first to comment