Salah Oo Isku Qoray Taariikhda Premier League

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa sii wada wacdarihii uu dhigayay premier League xilli ciyaareedka.

Salah ayaa dhaliyay gool kulanka ay kooxdiisu la ciyaarayso Bournemouth qaybta hore kulan ka tirsanaa Premier League.

Mohamed Salah ayaa isku qoray taariikhda premier League kadib goolkaas uu ka dhaliyay kulanka.

Salah ayaa noqday xiddigii 5-aad ee dhaliyay 20 gool Iyo wax ka badan 5 xilli ciyaareed oo kala duwan.

Mohamed Salah ayaa ka dambeeya xiddigo halyeeyo ah oo ay ka mid yihiin Shearer, Aguero, Henry Iyo Kane.

Halkan kaga bogo xiddigaha premier League ka dhaliyay 20 iyo wax ka badan 5 xilli ciyaareed iyo wax ka badan.

▪️ Alan Shearer (7)

▪️ Sergio Agüero (6)

▪️ Harry Kane (6)

▪️ Thierry Henry (5)

▪️ Mo Salah (5)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga