Manchester United iyo Chelsea ayaa hadda ka fiirsanaya in ay is dhaafsadaan xiddigaha Christopher Nkunku iyo Alejandro Garnacho sida ay sheegayaan wararku.
Chelsea ayaa doonaysa saxiixa xiddiga Man United ee Garnacho laakiin Man United ayaa xiddiga ku qiimaysa lacag dhan 60 milyan oo euro.
Waxa jira warar sheegaya in ay labada kooxood wadahadalo ku jiraan kaas oo ku saabsan xiddiga reer Argentine.
Sida laga soo xigtay Sky Sports Germany, Man United ayaa haatan ka fiirsanaysa in ay ku badalato xiddiga Nkunku.
ESPN ayaa sheegaysa in Ay Man United Nkunku u aragto xiddig wax weyn ku soo kordhin ra kooxda qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.
Be the first to comment